FADHI KU MACAASHAKA MACDANTA!

Waxaa jiro wax yaabo badan oo caqabado ah oo kaa hor taagan in aad xaqiiqda macdanta fahanto ka bulsho ahaan waxaynu dhaqan u leenahay hadaan soomaali nahay in aan aad u jelelahay dhib la'aan in aan faa'ido weyn helno taasina suuragal maaha si aan arintaa uga hor tagno waxaa loo baahan yahay qofkasta oo danaynaya macdan waa in uu u soo diyaar garoobaa howl baaxadeeda leh.

Marka koobaad in aad naftaada ka reebtaa sheeko khilaaliga ah hebel ayaa waa dhagax wadada ka qaaday hebel ayuu u dhiibay halmilyan ayaa laga soo bixiyey lacagtiina nin kale ayaa sii dhacay waa sheekooyinka ugu badan ee ay isku maaweeliyaan dadka macdanta daneeya badan koodu meel laguma gaadho kutiri kuteen iyo sheeko aan sal iyo raad lahayn.

Waxaan anigu ku talinayaa qofkasta oo macdan danaynaya in uu barto waxa uu raadinayo maxaa yeelay qofna mawada raadin karo mana wada baran karo macdan oo dhan waxaa lagu qiyaasaa ilaa shan kun oo nooc in ay ka kooban tahay macdantu sidaa darteed waxaa mu hiima in qofkastaa culayska saaro dhowr ka xabo ee uu is leeyhay hadaad hesho suuq ayaad u heli kartaa.

Waxaa jiro wax yaabo macdanta ka mida oo hadii aad hesho xataa aadan gadi karin oo u baahan howlo kale sidaa darteed waxaa muhiim ah in aad culayska saarto waxa aad awoodo markaas, sigaara ayaan uga hadli doonaa hadii Allah idmo waxa aan saa u lee yahay wey isoo martay aniga in jahada layga leexiyo oo adoo Geel raadinaya Ari qoorta la guu galiyey.

Markaas waxaa muhiim ah in qofkastaa samayto qorshe macdaneeyd oo isga u gaara oo uu gooni ugu takhasuso isagoo fikir fiican ka haysta uu ku dhaqaaqo uu uu yiraa shaygaas ayaan aqaanaa oo ann suuqiisana heli karaa ee xagee laga helaa markaas ayaan isla jaanqaadi karnaa oo aan talo iyo tusaaliba ku siin karnaa.

Anagu hadaan nahay bahda Macdan maal waxaan horey u samaynay barnaamij aan ugu magac darnay HATAHRIIBIN TALAAN KUU HAYAAYE oo bud dhigiisu ahaa in lagu baraarugo khayraadka dabiicigaha ee dhulkeena ka buuxa sidaan kula soo bixi lahayn si badqab ah.

Lasoco qaybta 3aad

Comments

Popular posts from this blog

WAX MAKA OGTAHAY MACDANTA SOOMAAIYA?

WAX KA OGOW MACDANAHA FOOJARIGA AH!