WAX KA OGOW MACDANAHA FOOJARIGA AH!

 Waxaa jira wax yaabo badan oo in laga hadlo u baahan oo aan dad badani ku baraarugsanayn oo khatar dhaqaale iyo mid caafimaadba ule bulshada wax yaabahaas oo dadka looga dhigo wax dabiiciya oo dhulka laga soo saaray ingu inoomaba bilowna oo wixii dabiiciga ahaa ee dhulkeena ku jiaray ayeynaanba aqoon u lahayn markaas iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa bilaabmay mowjado wadamada darisku si ku tala gal ah u soo galiyaan dalka.

Markii la ogaaday in soomaalidu siqiiro ah wax ku iibsato oo wixii loo sheego iska qaataan markaad u sheegto ee add ku tiraahdo waxaani waa foojari oo waa wax la sameeyey wuxuu ku lee yahay ma warqadbaa  sidee loo foojariyeeyey aqoonteenu wali waxay joogtaa xiligii warqada la foojarigareyn jiray waxay ku tusinaysaa in wax kasta la inoo iib keeni karo.

Talo ayaan halkaan ugu reebayaa daneeyayaasha macdanta in ay aad uga digtoonaadaan wax yaabaha wadamada dariska dhamkooda inaga soo gala maxaa yeelay laabab kooda ayaa lagu diyaariyaa nooc kasta oo macdanta ka mida gaar ahaan dhagax quruxeedka (Gemstones) iygoo raf ah iyo iyagoo la qoray oo fas camal laga dhigay.

Saacadaha lagu baaro dhagax quruxeedka wey ka baxayaan tijaabada maxaa leelay saacadu maado ayey taqaanaa maadadiina waa lagu daray markii la diyaarinayey markaa waxaa galan kara qof in mudo ah ku guda jitay howshan iyo in laab lageeyo kaasna hada maba yaalo dalkeena qoraal gooniya ayaan ka samayn doonaa noocyada ugu dadan ee dalaka soo gala ee dadka lagu dhaco.

wixii talo iyo tusaale ah qaybta faalada noogu reeba iyo wax yaabaha aad danaynaysaan in laga hadlo oo aan qoraalada ku soo kor dhino,

Lasoco qaybta 4aad


Comments

Post a Comment

Do leave your comments

Popular posts from this blog

WAX MAKA OGTAHAY MACDANTA SOOMAAIYA?

FADHI KU MACAASHAKA MACDANTA!