WAX MAKA OGTAHAY MACDANTA SOOMAAIYA?

 Waxaa jiro xaqiiqooyin farabadan oo la qariyey oo aan runta laga sheegin oo u baahan in si daacad nimo ah looga hadlo si ay bulshadu siwada jir ah uga faa i daystaan khayraadka dabiiciga ahi waa waxa kaliya ee uu Dal iyo dadkiisu ku horumari karo hadii ay helaan raad raac dhaba iyo wararka xaqiiqada ah ee ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee gayiga Soomaalidu degto ku jira.

waxaan blogg gan idinkula soo wadaagi doonaa maqaalo ka hadlaya waxyaabaha muhiimka ah ee laga helo gayiga soomaalidu degto anigoo kaa shanaya waayo aragnimadayda waxaan isku howlay in aan wax badan ka ogaado wax yaabaha dhulkeena laga helo.

laga soo bilaabo 1999 kii ilaa hada oo ay taariikhdu tahay 2025 waxaa uu ahaa warka aan aadka u xiiseeyo oo aanan wax kale ku mashquulin waxaan filayaa mudadaa aadka u dheer ee aan howshaa ku jiray in ay tahay faa'idada ugu weyn ee aan ka helay ahayd ogaansho dhab ah waxay soomaalidu ku maahmaahdaa "war helaa talo hela"maanta waxaan filayaa qofkii akhriya maqaaladayda in uu si dhibyar wax ku fahmi doono.

Waxaynu uga hadli doonaa sicilmiyeysan oo uu fahmi karo shaqsi kasta oo luuqada soomaaliga akhrin kara haduu magaalo joogo iyo hadii uu baadiye joogaba waxaan culayska saari doonaa noocyada ugu mihiimsan iyo gobolada iyo iyo degmooyinka la hubo in ay wax ku jiraan.

waxaan filayaa in ay daneeyayaasha macdantu ka abad baadi noo naan rafaad badan oo aan ka soo maray raadinta macdanta maadaama ay dadku badan koodu u haystaan in waxaanu gabi ahaanba ay khiyaali yihiin waxaan halkaad ka akhrsan doontaa wax mustaqbalkaaga shaqo ee ku aadan macdanta dalka in aan u hesho wado dhaba oo aad u marto waxa aad rabto in aad ka shaqayso.

maqaalkan maanu wuxuu noqondoonaa mid isbarasho ah aniga magacaygu waa Mukhtaar Cabaas waxaan ahay gudoomiyha shirkada Macdanmaal oo hada fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.


Comments

Post a Comment

Do leave your comments

Popular posts from this blog

FADHI KU MACAASHAKA MACDANTA!

WAX KA OGOW MACDANAHA FOOJARIGA AH!