Posts

Showing posts from September, 2025

WAX MA KA OGTAHY SUUQA MACDANTA?

 Waxaa jiro wax yaabo badan oo been laga sheego oo ku saabsan macdanta waxaana suura galinaya in been laguu sheego aqoonla'anta baahsan ee inaga haysata dhinaca macdanta markaa dhib kuma qaadanayso qofka in uu ku dhaco oo uu wax fiican qiimo jaban kaaga qaabo. waxaana jiro wadamada horey u maray waxayba sii diyaarsadeen nidaamo ay kula dhaqmaan Africa maadaama ay iyagu wixii dhinacooda jiray ay xiliyo horey bilaabeen in ay soo saaraan, waxay sameeyeen nidaan oranaya dhaguxu marka uu sidii ilaahay u sameeyey uu yahay qiimo u go'ani majiro oo dhaguxu marka la qoro ayuu qiimo go'an yeeshaa. Cidda kaliya ee wax qortaana waa iyaga oo Afrika wali heerkaas ma gaarin inta ay wax soo saarto hadana ay qorto oo ay qiimo u gowso oo ay dunida u iib gayso suuqa macdanta dad ayaa si aqli aqli ah ku haysta oo waxaan oran karnaa waxba gacanta inooguma jiraan. hadaan la helin siyaasad guud oo wax soo saar oo nidaam iyo sharciyad loo helin waxay noqonaysaa in shirkadaha maafiyada u badan ay g...

WAX KA OGOW MACDANAHA FOOJARIGA AH!

 Waxaa jira wax yaabo badan oo in laga hadlo u baahan oo aan dad badani ku baraarugsanayn oo khatar dhaqaale iyo mid caafimaadba ule bulshada wax yaabahaas oo dadka looga dhigo wax dabiiciya oo dhulka laga soo saaray ingu inoomaba bilowna oo wixii dabiiciga ahaa ee dhulkeena ku jiaray ayeynaanba aqoon u lahayn markaas iyadoo taasi jirto ayaa hadana waxaa bilaabmay mowjado wadamada darisku si ku tala gal ah u soo galiyaan dalka. Markii la ogaaday in soomaalidu siqiiro ah wax ku iibsato oo wixii loo sheego iska qaataan markaad u sheegto ee add ku tiraahdo waxaani waa foojari oo waa wax la sameeyey wuxuu ku lee yahay ma warqadbaa  sidee loo foojariyeeyey aqoonteenu wali waxay joogtaa xiligii warqada la foojarigareyn jiray waxay ku tusinaysaa in wax kasta la inoo iib keeni karo. Talo ayaan halkaan ugu reebayaa daneeyayaasha macdanta in ay aad uga digtoonaadaan wax yaabaha wadamada dariska dhamkooda inaga soo gala maxaa yeelay laabab kooda ayaa lagu diyaariyaa nooc kasta oo macdant...

FADHI KU MACAASHAKA MACDANTA!

Waxaa jiro wax yaabo badan oo caqabado ah oo kaa hor taagan in aad xaqiiqda macdanta fahanto ka bulsho ahaan waxaynu dhaqan u leenahay hadaan soomaali nahay in aan aad u jelelahay dhib la'aan in aan faa'ido weyn helno taasina suuragal maaha si aan arintaa uga hor tagno waxaa loo baahan yahay qofkasta oo danaynaya macdan waa in uu u soo diyaar garoobaa howl baaxadeeda leh. Marka koobaad in aad naftaada ka reebtaa sheeko khilaaliga ah hebel ayaa waa dhagax wadada ka qaaday hebel ayuu u dhiibay halmilyan ayaa laga soo bixiyey lacagtiina nin kale ayaa sii dhacay waa sheekooyinka ugu badan ee ay isku maaweeliyaan dadka macdanta daneeya badan koodu meel laguma gaadho kutiri kuteen iyo sheeko aan sal iyo raad lahayn. Waxaan anigu ku talinayaa qofkasta oo macdan danaynaya in uu barto waxa uu raadinayo maxaa yeelay qofna mawada raadin karo mana wada baran karo macdan oo dhan waxaa lagu qiyaasaa ilaa shan kun oo nooc in ay ka kooban tahay macdantu sidaa darteed waxaa mu hiima in qofkasta...

WAX MAKA OGTAHAY MACDANTA SOOMAAIYA?

  Waxaa jiro xaqiiqooyin farabadan oo la qariyey oo aan runta laga sheegin oo u baahan in si daacad nimo ah looga hadlo si ay bulshadu siwada jir ah uga faa i daystaan khayraadka dabiiciga ahi waa waxa kaliya ee uu Dal iyo dadkiisu ku horumari karo hadii ay helaan raad raac dhaba iyo wararka xaqiiqada ah ee ku saabsan khayraadka dabiiciga ah ee gayiga Soomaalidu degto ku jira. waxaan blogg gan idinkula soo wadaagi doonaa maqaalo ka hadlaya waxyaabaha muhiimka ah ee laga helo gayiga soomaalidu degto anigoo kaa shanaya waayo aragnimadayda waxaan isku howlay in aan wax badan ka ogaado wax yaabaha dhulkeena laga helo. laga soo bilaabo 1999 kii ilaa hada oo ay taariikhdu tahay 2025 waxaa uu ahaa warka aan aadka u xiiseeyo oo aanan wax kale ku mashquulin waxaan filayaa mudadaa aadka u dheer ee aan howshaa ku jiray in ay tahay faa'idada ugu weyn ee aan ka helay ahayd ogaansho dhab ah waxay soomaalidu ku maahmaahdaa "war helaa talo hela"maanta waxaan filayaa qofkii akhriya maqaal...