WAX MA KA OGTAHY SUUQA MACDANTA?
Waxaa jiro wax yaabo badan oo been laga sheego oo ku saabsan macdanta waxaana suura galinaya in been laguu sheego aqoonla'anta baahsan ee inaga haysata dhinaca macdanta markaa dhib kuma qaadanayso qofka in uu ku dhaco oo uu wax fiican qiimo jaban kaaga qaabo.
waxaana jiro wadamada horey u maray waxayba sii diyaarsadeen nidaamo ay kula dhaqmaan Africa maadaama ay iyagu wixii dhinacooda jiray ay xiliyo horey bilaabeen in ay soo saaraan, waxay sameeyeen nidaan oranaya dhaguxu marka uu sidii ilaahay u sameeyey uu yahay qiimo u go'ani majiro oo dhaguxu marka la qoro ayuu qiimo go'an yeeshaa.
Cidda kaliya ee wax qortaana waa iyaga oo Afrika wali heerkaas ma gaarin inta ay wax soo saarto hadana ay qorto oo ay qiimo u gowso oo ay dunida u iib gayso suuqa macdanta dad ayaa si aqli aqli ah ku haysta oo waxaan oran karnaa waxba gacanta inooguma jiraan.
hadaan la helin siyaasad guud oo wax soo saar oo nidaam iyo sharciyad loo helin waxay noqonaysaa in shirkadaha maafiyada u badan ay gacanta u galaan waxyaabo badan oo dhulkeena ku jira lagana baahan yahay oo xataa aan lagu baraar rugsanayn.
Inoo badi Walaal xogtan
ReplyDelete